Bashiir Maxamed Sh Xuseen

Bashiir Maxamed Sh Xuseen Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Bashiir Maxamed Sh Xuseen, Mogadishu.

10/06/2019

Waxaa soo gaba-gaboobay hadal hayntii khayraadka shidaalkena, waxaana isku afgaranay dawladda dhexe sidan. Sida xeerku qorayo shidaalka waxaa loo qaybin sidaan:

1 . 50 % waxaa iskaleh meesha lagasoo saarayo gaar ahaan Somali Regional State.
2. 25 % Dawladda Federalka ah oo lagu qabanayo hawlaha federaaliga ah oo deegaankaba kujiro.
3. 25 % maamullada oo dhan oo uu kujiro deeganka Somalida haddana.. maaddaama deeganadda kaleba ay khayraat leeyihiin waxooda sidaasaan iyagana ula qaybsanaynaa.

"Markaad kuqanacdo in aad ahaato qofka aad tahay ee aadan qofna is garab dhigin ama aadan is dhammaystirin, qof walba wu...
02/03/2018

"Markaad kuqanacdo in aad ahaato qofka aad tahay ee aadan qofna is garab dhigin ama aadan is dhammaystirin, qof walba wuu ku ixtirami donaa."
Asxaabteyda qaaliga ah jimco wangsan

HESHIISKA DOWLADDA FEDERAALKA IYO DOWLADAHA XUBNAHA KA AHMuqdisho, 5ta, November 2017Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Villa...
05/11/2017

HESHIISKA DOWLADDA FEDERAALKA IYO DOWLADAHA XUBNAHA KA AH

Muqdisho, 5ta, November 2017

Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya lagu qabtay kulan wada tashi oo u dhexeeye Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir 28-kii Oktoobar ilaa 5tii, Nofembar, 2017, kulankaas oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa daba socday Casumaadii Maxadweynuhu u diray Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre; Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaal, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar); Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfuur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf); Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare; Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Kulanka waxaa looga hadlaayay qodobada ay ka mid yihiin:

1. Dardargelinta Nabadgelyada dalka iyo Ciribtirka Argagixisada
2. Horumarinta hannaanka Federaalaynta dalka
3. Dardargelinta dib-u-eegista Dastuurka iyo Abuurista hannaan wadajir ah
4. Geedi socodka Doorashada 2020
5. Xoojinta wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
6. Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimo
Wadatashi dheer kadib waxay dhinacyadu ku heshiiyeen:-

1. Siyaasadda

a. In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnimo, Dulqaad, Isu-tanaasul, Wadatashi iyo Mas’uuliyad wadareed.
b. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir, layskuna ixtiraamo Mas’uuliyadaha Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa Wadaaga ah.
c. In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka iyo wadajirka si loola dagaalamo Argagixisida.
d. In laga fogaado, lana joojiyo waxkasta oo keeni kara shaki iyo xasaasiyad Siyaasadeed, Saamayna ku yeelan kara deganaanshaha, wadashaqaynta iyo Iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

2. Amniga

a. La-dagaalanka Argagixisada
i. In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo la dagaalanka Argagixisada.
ii. In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba.
iii. Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho.

b. Dhismaha Ciidan Qaran
i. In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii h**e ee (Security Architecture).
ii. In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar waafi ah.
iii. Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS (Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017 ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka.
iv. Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku layimaado qorshe cad oo ku aadan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017.

3. Arrimaha Federaalka

a. In la sameeyo Guddi Farsamo iyo Khuburo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo kala shaqeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani qusayso, si ay uga soo talo bixiyaan hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka Federaalka ah, kala qeexidda iyo qaybsiga awoodaha Federaalka iyo khayraadka, si heshiis guud iyo Isfaham Siyaasadeed (Political Consensus) oo dhamaystiran looga gaaro arrimaha Federaalka muddo (6) Lix Bilood gudohood ah.
b. In Golaha Baarlamaanka, Aqalka Sare kaalin muhiim ah ku yeesho Hirgelinta Federaalka, Hindise-Sharciyeedyada Cusubi waxay ka bilaaban karaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalkaba, waana inay labaduba Ansixiyaan Hindise-sharciyeedyada ka hor inta aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku Saxiixin.
c. In Hindise-sharciyeedyada lagala tashado Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Guddiyadooda Farsamo ee Golaha, ka hor inta aan la hor keenin Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka si aysan caqabad ugu imaan dhaqan gelintooda.
d. In la kordhiyo xarumaha Federaalka ee Dowladaha Xubnaha ka ah lana dhaadhiciyo adeegyada muhimka ah sida Baasaboorrada iyo Tasdiiqa Shahaadada.
e. In la dedejiyo dhismayaasha goleyaasha deegaanka, lana kordhiyo aqoontooda iyo tayadooda, si bulshadu talo iyo cod ugu yeelato adeegyada asaasiga u ah noloshooda.

4. Arrimaha Doorashooyinka 2020

a. In si wadajir ah looga shaqeeyo talana looga yeesho sidii dalka doorasho hal cod iyo hal qof ah uga dhici lahayd, lana abuuro jawi arrintaas suurta-geliya.
b. In Guddiga Doorashooyinka Qaranku (NIEC) ku sameeyo wadatashiyo loo dhan yahay (90) Sagaashin Cisho Gudohood si heshiis siyaasadeed looga gaaro caqabadaha hor taagan doorashooyinka.
c. In gacan buuxda la siiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NIEC), lana raadiyo dhaqaale lagu fuliyo doorashada 2020, iyada oo la isku tashanayo, Beesha Caalamkana la kaashanayo.
d. Waxaan ku Bogaadinaynaa Maamulka Somaliland Habsami u socodka ololaha Doorashada oo ay ka muuqato Xasilooni Siyaasadeed, waxaana rajaynaynaa in ay si nabad gelyo ah ku dhamaato.

5. Deb-u-eegista Dastuurka

a. In Dowladdu maalgeliso dib-u-eegista Dastuurka si loo hubiyo lahaanshaha geeddi socodka Dastuurka, laguna daro Miisaniyadda 2018.
b. Waxaa lagu heshiiyay in Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadu kaalin ku yeeshaan dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka, ka hor inta aan la hor keenin Goloyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka, si loo hubiyo kalsooni Shacab iyo wadatashi buuxa.
c. In la xoojiyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka tiro ahaan iyo tayo ahaanba.
d. In laga shaqeeyo iswaafajinta Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
e. In la dedejiyo Golaha Adeega Garsoorka Federaalka, lagana yeesho wadatashi loo dhan yahay.

6. Arrimaha Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimada

a. Waa in Mashaariicda Horumarineed, Gargaarka Bani’aadanimo iyo Deeqaha Maaliyadeed loo gaarsiiyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaal iyo Gobolka Banaadir si isu miisaaman, loona saaro Guddi Farsamo labada dhinac ah oo kasoo talo bixiya.
b. Waa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo UN-ku ka hawl galaan, xarumana ku yeeshaan deegaan kasta oo suurtagal ah, si adeegga loogu dhoweeya bulshada.
c. In la dar-dargeliyo Gurmadka Bani’aadanimo goobaha ay weli Abaaruhu ku dameeyaan, lana helo xal waara oo arrimahan looga hor tago (Resilience Strategy).

DHAMMAAD

ثلاث مشاكل تحل بثلاث وسائل
04/11/2017

ثلاث مشاكل تحل بثلاث وسائل

اللهم أشرح صدورنا بنور القرأن الكريم
20/10/2017

اللهم أشرح صدورنا بنور القرأن الكريم

Ducada allaha u aqbalo  walaalaheenna waa waxa ay xaq inoogu leeyihiin sheekh C/xayi ayaa inoogu duceeyay ka dib salaadd...
20/10/2017

Ducada allaha u aqbalo walaalaheenna waa waxa ay xaq inoogu leeyihiin sheekh C/xayi ayaa inoogu duceeyay ka dib salaadda Jumcaha halkii Musiibada ka dhacday 14 ocotober

26/07/2017

Shekadan waxay dhex martay nin rer badiyo ah oo dega badiya ha iyo nin degan magalda muqdisho.

Ninkan reer badiya ha ah oo d**o badiyada waxaa hayo buufis maraykan ka ah waxuu raba in uu tago dalka maraykan ka. Waxuu u imaday saxib kiis oo degan magalada muqdisho waxuuna u shegay bufiska hayo iyo in uu rabo dalka maraykan ka. Ninki degana magalda muqdisho waxuu dhahay saxib ana kaa muqa lasay nayo wana ay sah lan tahay in ad gasho dalka maray kan ka ninkii rer badiya ahaa waaa ow farxay waxuuna ku dhahay ninkii muqdisho degnaa saxib waad mahad san tahay. Ninkii. Rer muqdisha ha ahaa waxuu dhahay saxib imisa ayaad ogo shahay dalka maraykan ka waa lagu gay naya he. Waxuu dhay saxib waxan maqlay in lagu ado lacag garay so 10.000 $ Ninkii waxuu dhay saxib waa ay igu yarta hay lacag taas 15000 $ iga dhig nin ki waxuu dhahy wax ba k**a qabo goormee baxaynaa waxuu dhahay habeen danbo habiin kii hadii la garay saxibka rer muqdisho waxuu so kac saday gari giisa waxuuna kaxeeyay saxib kaa rer badiyo k*k waxana lo qumay dhan kaas iyo isbital kaysanay ee dulaydka muqdisho aydo larabo in meshaas laga saro doon nuuca malayga lagu dabo. doon tii ayaa la saray saxibka rer badiyo midkii rer xamar ka ahay waa ow ka so naqday doonta waxaa waday niman kale saxibkaa wala kaxeeyay cabaar marki lagu dhex hayay bada waxaa laga so dejiyay xeebta jasiiro waxan lagu so qaday gariyar. Waxan lagu dejiyay argada No 4 waxuu la kulmay magalda oo ifay so waxuu arkay magalda oo dhalaa lay so waxuu dhahay waad jogta maraykan ka waxuu radiyaya mesha lays ka dhiibo cabaar mar kuu so socday ayuu waxuu imaday is goska debka waxuu arkay wiil dhalin yaraa ee mesha marayo waxuu dhahay saxibo mesha lays ka dhiibo oo sharciga laga qato ii shek in tuu qoslay ayuu dhahay saxib wax yar sug asxab badan buu u yeer tay wiil ki si lola qoslo waxuu dhahay maxad dhaday saxib waxuu ku celshay ii shek mesha lays ka dhiibo oo laga qato sharci dalkan maraykan ka. Mar qura ayaa waxa is la qoslay dhalintii halkaa jogtay ugu dan bayna waxaa lo shegay mesha uu jogo in ay xamar tayah

Aqoon la aan waa iftiin la aan.

DADKU KALA CAQLI BADAN!Gabadh ayaa Ninkeeda Kacodsaty inuu Sheikh ugeeyo Si Uu jin haya uga Saaro Wuu Kayeelay Wuuna Uge...
23/07/2017

DADKU KALA CAQLI BADAN!
Gabadh ayaa Ninkeeda Kacodsaty inuu Sheikh ugeeyo Si Uu jin haya uga Saaro
Wuu Kayeelay Wuuna Ugeeyey
Haddaba Gabadhii markii Quraanka lagu Akhriyey Jinkii ayaa Hadlay oo yiri:
Sheekhoow Aniga waan ka baxaa Gabadhan, laakin Hal Shuruud.
Haddaba Sheekhii Marka h**e wuu diiday, balse marka dambe ayuu ka Aqbalay oo yiri:- Bal sheeg Shuruuda maxey tahay ?
Jinkii ayaa yiri:- Gabadha waan ka Baxayaa, laakin Ninkeeda ayaan Gelayaa.
Ninkii oo meesha Fadhiyey Hadalka Jinka markuu maqlay ayuu Argagaxay, Sheekhiina Jinka wuu ka diiday Arrintaasi, balse Jinkii ayaa Sheekhii ku yiri:-
Sheekhoow ma Garaneysaa Sababta aan u Doonaayo inaan galo Ninka ?
Sheekhii ayaa yiri:- Bal ii sheeg Sababta. Jinkii ayaa yiri:- Sheekhoow Ninkaan Salaadda matukado
Ninkii ayaa soo Booday oo yiri: Beentiisa waaye Sheekh
Sheekhii ayaa kadib ku yiri Jinkii: Gabadha ka bax, Gurigoodana haka Fogaan, hadduu Tukan waayo Ninka Gal oo ka Dhex qeyli.
Jinkii baa yiri: Hagaag Taas ayaa inoo Balan ah, Gabadhiina way caafimaaday
Haddaba Muddo ka dib,
Gabadhii waxey u uyeedhay Sheekhii, iyada oo u Mahad celineyso, Sheekhii ayaa yiri: Bal ka waran Ninkii ?
Gabadhii ayaa ugu jawaabtay: Sheekhoow Masaajidkaba isaga ayaa Fura, oo Mu'adinkaba isagaa
ka Horeeyo.
Sheekhii ayaa yiri Allah ayaa Hanuunka leh.
inta ay gabadhii qososhay ayey Sheekhii ku tiiri
Sheekhoow waa run oo Alle ayaa hanuunka leh laakiinse meelba leygama heyn, Jinina iguma jirin, keliya waxaan Rabay inuu ninkeygu Salaada tukado oo War Tuko ayaan ka kari waayey.
Hadad Kaheshay DHEH AMA KU MENTION GAREE QOF AAD RABTO INU KULA AKHRISTO THANKS.

SHEEKO Qosol lehImaamka masaajidka ayaa muxaadaro u jeediyey dadkii masjidka joogay, wuxuu wacdigiisa ku soo qaatay in r...
18/07/2017

SHEEKO Qosol leh

Imaamka masaajidka ayaa muxaadaro u jeediyey dadkii masjidka joogay, wuxuu wacdigiisa ku soo qaatay in raggu ay u dabacsananaadaan xaasaskooda oo ay u naxariistaan.
Hadaladii Imaamka waxaa ka mid ahaa, "tusaale markii ay xaaskaaga cunto kuu soo kariso oo ay kuu keento waxaa haboon inaad amaanto, Maashaa Allaah cunto macaan ayaad karisay aad baan uga helay IWM"
Nin kamid ah dadkii muxaadarada soo dhageystay ayaa markii uu gurigiisa yimid wuxuu isku dayay inuu dhaqan galiyo hadaladii Imaamka.
Xaaskiiisa ayaa casho u keentay, cuntadii ayuu bilaabay inuu cuno isagoo faraxsan oo macaansanaya, markii u dhameystay ayuu ku yiri xaaskiisa Maashaa Allaah cunto macaan ayaad karisay, aad bey u macaaneed runtii waan ka helay, aad ayaa u mahadsantahay gacaliso Allaah igama kaa qaado iyo hadalo kalo amaan ah oo badan.
Xaaskiisa ayaa ugu jawaabtay, Garaacis kadibna waxa ay u raacisay
"Waryaa 21 sano ayaan cunto kuu karinayay waligaana hal mar ma aadan amaanin, maanta markii ay cuntadaan dariska noo keeneen maad amaaneysaa..............................Hhhh..........................

Address

Mogadishu

Telephone

616755946

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bashiir Maxamed Sh Xuseen posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share