05/03/2020
MAXAAD KA TAQAAN XANUUNKA GAASKA CALOOSHA (GASTRIC) ?
waxan maanta isku dayi doona inaynu wax ka barano mid ka mid ah xanuunada ku dhaca dadka ,ee loo yaqaan gaaska calosha kaas oo dhawaanahan aad u haleela dadka somaliyeed , waxaynu soo qaadaneynaawaxa uu yahay gaasku ( gastritis) , waxa keena , calamadaha lagu garto , sida loobaadho iyo waliba sida loo daaeeyo.
waa maxay gastric(gastritis)?
Waa caabuq diiqa, ama boog ku timaadda dahaadhka caloosha. Waxaa uu u noqon karaa mid si degdeg ah u dhaca (acute) iyo mid dabadheeraada(chronic).
Maxaa sababab gasric(gastritis)?
Gaaska caloosha waxa keeni kara ama sababi kara waxyaabo badan oo kala duwan bal aynu ka tilmaamno kuwaugu badan ee keena
Isticmaalka alcohol ama khamriga
In badan inaad oo qofku matag joogta yeesho
Stress ka ama isku buuqa
4, qofka oo gaajada isku daawado ama ina badan gaajo hayso oo an waxba cunin
In aysiidhacalooshu ayna dheeli tirnayn
6.In cuntada xawaashka badan la isticmaalo (spicy)
Inaad isticmaasho daawooyinka layidhaah anti-inflammatory drugs ama xanuuni biiyaha sida asprin ta,paracetomala ah
Waxaa kale oo sababbi kara loona aaneeyaa:
Helicobacter pylori (H. pylori)
waa bekteriya (bacteria) ku nool xuubka (mucus) ku dahaadhan caloosha. Haddii la daaweyn waayana caabuq a(infection) waxu horseedi kara boog ama nabar (ulcer) dadka qaarna waxay uu keeni kartaa cancer xagga caloosha ah .
Pernicious anemia:
Wa mid ka mid noocyada dhiig la,aanta ,Wana dhiig la’aan timaadda marka calooshu weydo waxyaabihii dabeeciga ahaa ee ay u baahnayd inay si sax ah u soo nuugaan ama ay u burburiyaan vitamin B12.
Bile reflux: in bile-ka uu dib ugu noqdo caloosha, xanuun ayaana imaanaya.
Infection: ay keenan bakteriya (bacteria) ama virus ayaa iyadana loo aaneeyaa.
NB: haddii la daaweeyn waayo gastric waxa imanaaya dhiigbax daran waxana isu badali karaa cancerka calasha
Calaamadaha lagu garto gaaska (gastritis)?
Yalaalugo(lalabo), matag(hunqaaco) , laabjeex iyo matag dhiig la socdo.
Inuu soo noqnoqdo xanuun xagga caloosha ah sidii nabar oo kale. Caloosha oo dibbirta, abitayt xumo. Miisaanka oo yaraada.
Sidee lagu garan/ aqoonsan karaa magaca cudurka iyo astaanta saxda ah?
Waxaa la sameeeyaa baadhitaan kaas oo lagu ogaan kaari inu jiro gaas iyo ina kale
UPPER ENDOSCOPY:
waa qalab (af kamarad ka xidhantahay ) taas oo bukaanka afka laga geliyo ilaa caloosha lagu dhaadhiciyo, waxaa hubinayaa in calooshuay leedahay wax caabuq ah ka dibna waxaa la sameeynaa biopsy waa hab lagu soo jaro sample yar oo tissue ah (wax yar ka mid ah hilibka caloosha ee caabuq gaadhay ) ka dibna shaybaadhka (laboratory) ayaa lagu baadhaa.
BAADHITAAN DHIIG (BLOOD TEST):
waxa la hubinayaa in unugyada dhiigga cas (red blood cell) uu ku yaryahay bukaanka uu yahay dhiig la’aan (anemic).
f***l occult blood test (stool test) (baadhitaan saxaro):
waxaa lagu ogaadaa in saxarada bukaanka dhiig la socdo.
DAAWEYNTA (TREATMENT):
Marka la ogaado waxa sababay ama bakteriyad a (bacteria) keentay waxaynu u kala saaraynaa daawada dhawr nooc :
–Antibiotic medications to kill H. pylor.
Waxaad qaadanaysaa antibiotic waa hadduu yahay chronic gastric amoxicillin, clarithromycin (Biaxin), metronidazole (Flagyl) and tetracycline dawooyinkaas aya intabadan qaadankartaa.
–Medications that block acid production and promote healing.
Waxay xidhayaan acidka ay calooshu sii dayso waxayna kor u qaadaan inuu qofka bogsado waaxaa ka mid ah daawooyinkaan.
Omeprazole (Prilosec), lansoprazole (Prevacid), rabeprazole (Aciphex), esomeprazole (Nexium), dexlansoprazole (Dexilant) and pantoprazole (Protonix).
-Medications to reduce acid production.
Ku wani waxay yaraynayaan acidka waxaana ka mid ah:
histamine (H-2) blockers, waxay yareynayaa acidka lagu soodeeynaayo marakin dheefsiidka iyo waliba xanuunka badan.
Sidookale kuwa acidka joojiya waxaa ka mid ah :
ranitidine (Zantac), famotidine (Pepcid), cimetidine (Tagamet) and nizatidine (Axid).
-Anti acids that neutralize stomach acid.
kuwani waxay dhexdhexaad (neutralize) ka dhigayaan acidka si deg deg ahna wayu bogsiinayaan.
SIDEE LOO YARAYN KARAA KHATARTA GAASKA?
Wuxuu u baahanyahay qofkasta oo qaba xanuunka gaaska inu qaato talooyinkan.
1) Qaado daawada gaaska adigoo la tashanaya shaqaale caafimaad / dhakhtarkaaga.
2) Qaado cunto baal leh (ama buunsho leh, diir leh, buushi leh, gal leh, qolof leh nin ba siduu u yaqaanno sida gallayda, garawga, hadhuudh ama masaggada oo aan laga qaadin qoloftii) ugu yaraan halmar maalintii sida shuurada iyo hadhuudhka.
3) U qaado si sax ah talada uu ku siiyo dadka aqoonta u leh caafimaadka .
Haddii aad qaadatid talada dhakhtarka oo aad ku dhaqanto lakinse waxa is badal ah aad dareemi weydo . Ha ka quusan Raxmada Allah ogow marwalba marka uu albaab kaa xidhmo, Allah albaab kale ayuu kuu furaa. Xasuuso marwalba inaad isku akhrido inta aad quraanka ka taqaanid oo dhan kolba intii aad ka gaadhid. Quraanku waabogsiiyaha ugu wayn ee aad isku daweyn kartid. isku akhri 7 faatixo salaad kasta ka bacdi.InshaAllah waad fiicnaan, hana ilaawin adkaarta iyo ducooyinka una sabir inshaAllah. Waxaa kale oo jira albaab kale oo haddii uu Allah kuu qadaro aad isku dawayn kartid, taasina waa waxyaabaha dhirta aha ama dhulka ka soo baxa ee dabeeciga ah. InshaAllah maqaalka kale ee xiga kan waxaan .
Mahadsanid