Lascanod Water Supply LAWS

Lascanod Water Supply LAWS We focus on providing safe drinking water to rural communities throughout Lascanood

Maayarka Caasimadda Laascaanood, Cabdiraxiim Cali Ismaaciil, ayaa hadhimo-sharafeed u sameeyey Gudiga Boodhka Sare ee Wa...
11/06/2026

Maayarka Caasimadda Laascaanood, Cabdiraxiim Cali Ismaaciil, ayaa hadhimo-sharafeed u sameeyey Gudiga Boodhka Sare ee Wakaaladda Biyaha Caasimadda Laascaanood (LAWS).

Kulanka ayaa lagu dhiirrigeliyey dadaallada iyo qorshayaasha ay Wakaaladda Biyaha LAWS ku horumarinayso adeegyada biyaha caasimadda.

Waxaa si gaar ah loo bogaadiyey guulaha ay wakaaladdu ka gaadhay biyo-gelinta magaalada, iyadoo hadda daboolaysa biyo gelintq Qasabadaha dhulka hoostiisa oo maraya 60%, halka in ka badan 80% biyaha magaalada soo gaadha lagu qaybiyo qasabadaha iyo booyadaha ganacsiga ee ka soo dhaansada Keydadka biyaha ee shirkadda.

Gudiga Boodhka Sare ee LAWS ayaa xaqiijiyey inay sii xoojin doonaan dadaallada lagu ballaarinayo adeegyada biyaha si bulshada caasimaddu u hesho biyo ku filan oo tayo leh.

03/06/2026

OGAYSIIS MUHIIM AH

Shirkadu wxay macaamiisheeda biyaha ee xaafadaha u dhexeeya Alkhaliij Hotel ilaa Schoolka Ilaysa, oo ay kamid yihiin Zones-ka Daami, Manhal iyo Masjidul Huda, ogeysiinaysaa in adeegga biyuhu hakad geli doono:

Arbaca: 5:00 galabnimo ilaa Khamiista: 10:00 subaxnimo.

Hakadka waxaa sababay shaqo dayactir ah oo lagu samaynayo tuubooyinka biyaha keena xaafadahaasi.
Waxaan macaamiisha ka codsanaynaa dulqaad iyo wada-shaqayn inta ay shaqadu socoto, isla markaana ay isticmaalaan kaydka biyaha inta lagu jiro muddadaas.

Mahadsanidin,
Xafiiska Daryeelka Macaamiisha

29/05/2026
🌙 𝗖𝗜𝗜𝗗 𝗠𝗨𝗕𝗔𝗔𝗥𝗔𝗞 ✨Shirkadda Lascanod Water Supply LAWS  waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan macaamiisheeda sh...
26/05/2026

🌙 𝗖𝗜𝗜𝗗 𝗠𝗨𝗕𝗔𝗔𝗥𝗔𝗞 ✨
Shirkadda Lascanod Water Supply LAWS waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan macaamiisheeda sharafta leh iyo guud ahaanba Ummadda Islaamka meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Rabbi ha innaga aqbalo camaladii wanaagsanaa ee inoo soo qabsoomay, dambiyadana ha inoo dhaafo..

Ciid wanaagsan dhammaantiin.
.

📘 𝐆𝐚𝐛𝐚𝐠𝐚𝐛𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐚𝐦𝐢𝐢𝐬𝐡𝐚 & 𝐁𝐢𝐢𝐥𝐚𝐬𝐡𝐚! 🎓✨Waxaa u soo gabagaboobay shaqaalaha shirkadda Biyaha Lascanod ...
20/05/2026

📘 𝐆𝐚𝐛𝐚𝐠𝐚𝐛𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐚𝐦𝐢𝐢𝐬𝐡𝐚 & 𝐁𝐢𝐢𝐥𝐚𝐬𝐡𝐚! 🎓✨

Waxaa u soo gabagaboobay shaqaalaha shirkadda Biyaha Lascanod Water Supply LAWS tababar 3-maalmood ah oo lagu horumarinayay xirfadaha adeegga macaamiisha iyo biilasha ee shaqaalaha, si loo bixiyo adeeg hufan oo tayo leh. 💧🤝

Kahor Lasanod Water Supply Dadku Waxay Ku helijireen Biyaha Si Adag
19/05/2026

Kahor Lasanod Water Supply Dadku Waxay Ku helijireen Biyaha Si Adag

14/05/2026

Shirkadda LAWS Water Company ayaa si rasmi ah uga wada Caasimadda Laascaanood mashruucyo lagu balaadhinayo adeegyada biyaha, si kor loogu qaado tayada iyo baaxadda adeegga bulshada.

Muddooyinkii u dambeeyay, Engineers-ka shirkadda iyo khubaro farsamo ayaa fulinayay shaqooyin la xidhiidha balaadhinta, tayaynta iyo casriyaynta warshadaha biyaha, iyadoo lagu soo kordhiyay qalabyo iyo adeegyo cusub oo casri ah.

Maareeyaha shirkadda ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumaha shirkada oo ay hawlo baaxad leh ka socdaan, isaga oo u kuurgalay heerka ay marayaan shaqooyinkaasi. Kormeerka ayaa lagu xaqiijiyay in shaqooyinka intooda badan si wanaagsan u socdaan, isla markaana ay marayaan heer gebogebo ah.

Address

General Hospital Road
Laascaanood

Opening Hours

Monday 08:00 - 12:00
16:00 - 18:00
Tuesday 08:00 - 12:00
16:00 - 18:00
Wednesday 08:00 - 12:00
16:00 - 18:00
Thursday 08:00 - 12:00
16:00 - 18:00
Saturday 08:00 - 12:00
16:00 - 18:00
Sunday 08:00 - 12:00
16:00 - 18:00

Telephone

+2522753797

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Lascanod Water Supply LAWS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Lascanod Water Supply LAWS:

Share