18/10/2024
6. Qudbada jimcaha.
Sidee lagu iqtiyaalikara ama lagu toogan kara ruuxdii dhaqaajin leheed islaamka looga dhigi kara meyd, ay dad-ka ka cararaan iney megan galaan.
Tusaale yar,
ayadoo dulmi jira oo halsano gudiihiisa inka badan 100 kun lagu xasuuqey, ku dhawaadna gaareya nusmalyeen dhaawaca, dad yar aan ka badaneyn 2 milyeen, oo khudbadii masaajidkan ay ku saabsan tahay mowlidka nabiga ma banaan yahay, saas oo kale nolasheena inyar wax saameyn ah isbadal leheyn, bal caamada badankooda ka warqabin waxaa ka socda marinka qaza.
Ayadoo dulmiga dadka dhaxdooda uu noqdey ilbaxnimo iyo wax ay dadku kufaanaan, lagayaaba masaajidka dhinaciisa ka soocda dulmi, halka
imaaka masjidka wuxuu ka hadlayaa 'ma banaan yahay in laqaato tusbaxa marka la istiqfaarsanaayo'.
Ayadoo qiyamkii islaamka iyo akhaalqdii suubanaha ka dhaxalney dadka dhaxdoodii ka baaba'day, shuyuukhtii dhaxdooda isku mashquulsanyihiin, is gaaleysiinayaan, caadifada ka tan badatey.
Ayadoo maanta fitinada iyo nolasha casriga ay ku sheegeen iyo dhalinta ay ku jiraan loolan 'siraac hawiyadeed' oo dhalinta xaalad qeybuuba ah galeen, oo loo baahan yahay tajdiid iyo fahamka waaqica aan ku noolnahay, iyo waxa dhalinta la daala dhacayaan, laakiin shuyuukhteeni ama culimadeeni waxey ku mashquulsanayihiin Surwaalka ma la dheereyn kara misee waa xaaraan.
Si' aad dulmiga uga digtid waa inaa u sheegtaa dadka in dulmigu marnaba la dhafeyn xitaa haddi boqol xaj soo xajiyaan. maadaama qofkii aa dulmisey ku cafinin, xoolihii xaaraanta aad cuntey soo celin.
Culimadii salafka waxey ka sameeyeen majaalkaan (فقه الأولويات) .
Islaamku isma badalo, xili iyo waqti walba wuu xalin karaa dhibaatooyinka ay wajahayaan bulshooiinka, wuuna ka saari kara jahliga iyo takhalufka bulsha walba. Laakiin islaamku wuxuu u baahanyahay in la tajdiidiyo ruuxdiisa si aan ugu dhaqan galino noolal maalmeedkeeni.