21/05/2026
Muuqaalkaan, sida aad u jeedaan, waa Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika. Sawirka waxaa ka muuqda laba illaa saddex xubnood oo ka tirsan shaqaalaha safaaradda, kuwaas oo u muuqda dhalinyaro naxsan oo aan garanayn sida ay xaaladda u wajihi lahaayeen. Sida muuqata, kuma filna xirfadda luuqadda Ingiriisiga, waxayna ku wareersan yihiin sidii ay ugu jawaabi lahaayeen mudaharaadayaasha hortooda fadhiya. Waxaa la weydiinayaa su’aalo ay u muuqato inaysan wax diyaar garow ah u lahayn. Su’aalaha iyo jawaabahooda aqristaha ayaan u dhaafayaa.
Si kastaba ha ahaatee, eedda ugu weyn waxaan dusha ka saaraya dowladda Soomaaliya oo aan safaaradaha u dirin dad si wanaagsan ugu diyaarsan shaqada diblomaasiyadda iyo matalaadda qaranka.
Koonfur Afrika waa dal weyn oo muhiim ah, waxaana ku nool bulsho Soomaaliyeed oo tiro badan, isla markaana leh ganacsiyo waaweyn. Sidoo kale, waa waddan awood leh oo Soomaaliya dhinacyo badan ka caawin kara.
Waxaan rajeynayaa in Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud markaan u diro dalkaas safiir si dhab ah uga soo bixi kara waajibaadka danjirenimo iyo matalaadda qaranka Soomaaliyeed.