Dr. Aadan Abdi Ali

Dr. Aadan Abdi Ali Dr Aadan

29/08/2023

Strongyloids larva

FAAIIDO CAAFIMAAD.Wax badan Ka Ogow Sababta Ukunta Karsan Ugu Wanaagsan tahay in Lagu quraacdo Xilliga Quraacda, Dadka W...
13/06/2023

FAAIIDO CAAFIMAAD.

Wax badan Ka Ogow Sababta Ukunta Karsan Ugu Wanaagsan tahay in Lagu quraacdo Xilliga Quraacda, Dadka Waa Weeyn iyo Caruurtaba.?

Waxaan Halkan Kugu Soo Gudbin Doonaa Cilmi baaris Ku Saleeysan aqoon Cilmiyeed , Waxaan Hubaa inaad Ka faa'ideysan doontid , Waa Haddii Aad Waqti Kooban Siiso aqrinta qoralkan Haddaad daahsan tahay Waqti Kale .!

1: Waxaa La Sheegaa Qofka Mar Walba Ku Quraacdo Xabad beedh ah {Ukun ah} Waagu Markuu baryo , Miizaanka Qofkaas Waa Uu Xafidmaa Dheeli tirnaada , Mana Kordhayo Mana Ka Nuqsaamayo.

2: Ukunta Karsan Waxeey Ka Mid tahay Maadooyiinka Aad Uga qeeyb qaato Sara U Kaca Shaqada dheefshiidka Waxeeyn Jirka Siisaa Heerkul Ku Haboon Oo Wanaagsan.

3: Shaqada Beerka Oo Si Wanaagsan U Shaqeeyo ayeey qeeyb Ka tahay Si gaar ah Maaddo lagu Magacaabo " Koline' Oo Ku jirto Ukunta Karsan ayaa Si Wanaagsan Uga qeeyb qaadato Habsame U Socodka Wareegiisa Shaqada.

4: Awoodda Caqliga ayeey Xoojisaa isla Maadadan lagu magacaabo" Koline" Ayaa Si Weeyn Uga qeeyb qaadato Soo Celinta Xasuusta iyo Xifdinta

Gaar Ahaa inaad Wax badan Tarkiizka Saarto Sidaa darteed Waxaa lagula taliyaa in Caruurta Subaxdii Labaxo Oo Ukun ah loo Kariyo.

5: Waxeey Xoojisaa difaaca jirka Oo Waxaa Yaraado Awoodii ay Cudurada jirka Ku Soo Wareeri lahaayeen.

5: Waxeey Ka Kooban tahay Ukunta Karsan Fitimiinada Kala ah Vitamin A Vutamin B iyo Aasiidhka Nuuca Folic"
Waana Maaddoyiinka Ugu Muhiimsan Ee Xoojiya difaaca jirka Aadanaha.

7 : Vitamin D Oo Ka Mid ah Kuwa Ugu badan Ee Laga Hela Ukunta Karsan
Waxeey Ka qeeyb qaadataa Dhismaha lafaha Waxaa intaas Sii dheer Waxeey yareeysaa Xanuunka Xubnaha Kala gooysyada Ku dhaca.

☞" Ugu Dambeeyn Salliga Nabiga Oo Aad badiso Waxa ay Kaa yareeysaa Murugta iyo Walaaca, War Warka iyo Caloolyowga, Ha Hilmaamin inaad Ku Salliso NABIGEENA(CSW).✍

Dr. Aadan Abdi Ali follow me

11/06/2023

I dentify this ....?

Haddii Aadan Naftaada Farxad Galinkarin Umada Hakaa Nabad Gasho Oo Ha Dhibin dadka Kale,DUHUR.........wangsan........💗💗💟
27/05/2023

Haddii Aadan Naftaada Farxad Galinkarin Umada Hakaa Nabad Gasho Oo Ha Dhibin dadka Kale,

DUHUR.........wangsan........💗💗💟

24/05/2023

Hami baa iga dhexguuxayaa gubaya laantyda...

Cabidda shaaha kulul ee liin ta leh  waxuu  jidhka ka difaaci karaa kansarka maqaarka, sida lagu sheegay daraasad Marayk...
29/04/2023

Cabidda shaaha kulul ee liin ta leh waxuu jidhka ka difaaci karaa kansarka maqaarka, sida lagu sheegay daraasad Maraykan ah oo lagu daabacay majaladda BMC Dermatology journal. Cilmi-baarista waxaa sameeyay saynisyahano ka socda Jaamacadda Arizona,

Caawa 7:45PM waxaan idinla wadaagi doonaa faa’iidooyin badan oo uu leeyahay Shaaha liinta leh.

Adigu ma cabtaa shaaha liinta leh?

Xigasho Dr Amen

29/03/2023
What is glucose levels????
18/03/2023

What is glucose levels????

Biyo baxa deg-dega ah iyo sida loo daaweeyoBiyo baxa deg-dega ah waxaa afka qalaad lagu dhahaa premature ej*******on waa...
17/03/2023

Biyo baxa deg-dega ah iyo sida loo daaweeyo

Biyo baxa deg-dega ah waxaa afka qalaad lagu dhahaa premature ej*******on waana xaalad caafimaad daro taas oo aad ugu badan bulshadeena soomaaliyeed.
Hadii alle idmo, maanta waxaan si faahfaahsan u sharxi doonnaa waxa uu yahay biyo baxa deg-dega ah, goorma ayaa la dhihi karaa biyo bax deg-deg ah ayaa qofkaan ku dhacay, imise daqiiqo ayaa la rabaa ugu yaraan in ay biyaha ku yimaadaan.
Sidoo kale, waxan cadeyneena siigada ama siigeeysiga ma sababi karaa biyo baxa dag-daga ah, ugu dambeentiina waxan sheegi doonnaa sida looga hor tago biyo baxa deg-dega ah iyo sida loo daaweeyo.

Qeexitaanka biyo baxa deg-dega ah

Biyo baxa deg-dega ah waxaa lagu qeexaa marka qofka ay biyaha kaga yimaadaan daqiiqada ugu h**eyso ee galmada oo ka bilaabaneyso marka uu ninka xaaskiisa ama lamaanihiisa u tago oo labada xubnood ee taranka ay is dhex galaan, hadii daqiiqada ugu h**eeyso ay biyaha uga yimaaadaan markaas ayaa la dhihi kara biyo bax deg-deg ah aya jiro.
Balse, hadii ay biyaha kaga yimaadaaan hal daqiiqo ka badan sida 2 daqiiqo lama oran karo biyo bax deg-deg ah, in kastoo buugaagta qaar ay biyo bax deg-dega ah ay ku qeexaan 2 daqiiqo iyo wixi ka yar.
Sidoo kale, waxa cilmi baaris lagu ogaaday in dadka caafimaadka galmadooda uu aadka u wanaagsanyahay ay biyaha kaga yimaadaan ilaa mudo 5 daqiiqo ah oo ka bilaabaneyso marka ay is dhex galaan labada xubnood ee taranka.
Biyo baxa deg-dega ah

Noocyada biyo baxa deg-dega ah (Types of premature ej*******on )

Si guud, waxa jira laba nooc oo biyo bax deg-dega ah oo kale ah:
1-Primary premature ej*******on: oo ah in qofka uu isku arko biyo bax deg-deg ah marka ugu h**eyso oo uu galmo sameeyo, oo aan ula jeedno hadi qofka uu biyo bax deg-deg ah isku arko maalinta koowaad ee uu galmo sameeyo marka laga soo bilaaabo maalintii uu qaangaaray bukaanka.
Tusaale, qof aan h**ey galmo u sameynin aya isku arkay biyo bax deg-deg ah markii ugu h**eesay, xaalada noocas ah baa la yiraahda Primary premature Ej*******on.

2- Secondary premature ej*******on: oo ah qofka in uu isku arko biyo bax deg-deg ah asaga oo h**ey u caafimaad qabay, tusaale, qofka sanadihii ama bilihii h**e si caafimaad qab ah uu galmada ula sameynaayay xaaskiisa ama lamaanihiisa balse, waxa mar dambe kuso korortay xaaladan biyo baxa deg-dega ah.

Maxaa sababo biyo baxa deg-dega ah

Sida saxda ah waxa sababo biyo baxa deg-dega ah lama oga balse, waxan halkan idinkula wadaageynaa 5-ta sheey ee aadka loola xariiriyo:
1- Ma********on: oo ah siigada ama siigeeysiga oo ay dhalinyada aad ugu badanyihiin,
siigadu waa aafo halis ku ah kuwa caadaystay in ay si joogta ah u sameeyaan.
Siigaysigu wuxu keeni kara in xubinta taranka ragga ay jililcdo sidoo kalena qofka isku arko biyo bax deg-deg ah. Sidaas daraadeed, hadii aad caadadaan xun la qabsatay, isku day in aad joojiso.
2- Hormonal Imbalance: oo ah in cillada ay ka timaado isku dheellitirnaan la’aan dhanka dheecaanada ama hormoonada ah.

3- Anxiety: oo ah walwal, hadii qofka uu ka walwalo in biyaha ama shahwada ay dhaqsi ka imaanayaan oo uu cabsi ka qabo xaaladaan biyo baxa deg-dega ah waa ay keeni kartaa xaaladan ama xita hadii qofka uu ka walwalsanyahay xaalad kale ayadana sabab ayay u noqon karta biyo baxa deg-dega ah.
4- Depression: oo ah niyad jab, hadii uu qofka niyad jab qabo oo uusan hami ama rabitaan u qabin galamada waxay arintaas sababi kartaa biyo bax deg-deg ah.
5- Stress: oo ah isku buuq, oo hadii uu qofka istarees ama xaalad ku adag ay ku furantahay ayadana waxay sababi karta xaaladan biyo bax deg-dega ah.

Sidee loo daaweeyaa biyo baxa deg-dega ah?

Daawada biyo baxa deg-dega waxa ay ku xerantahay waxa sababay biyo baxa deg-dega ah. Tusaale, hadii uu qofka qabo walwal, niyad jab, ama isku buuq waa in uu dhaqtar booqda si looga daaweeyo xaaladahaas ku sababaya biyo baxa degdega ah.
Intaas kadib, halkaan waxan idinkula wadaagi doonnaa farsamooyin kaa caawin kara in aad xaliso biyo baxa deg-dega ah, farsamooyinkaas waxay kala yihiin:

Inta aad galmada ku dhex jirto waa in aad qaadata neef badan, neeftaas aad qaadatay waxay caawineysa in ay hoos u dhacdo waxa loo yaqaano (ejaculatory reflex) oo ah in biyihii deg-dega ku imaan laha ay dib u yara dhacaan (take a deep breath).

Qaado waqti kooban oo xubinta taranka kasoo bixi xaaskaada kadib bilaaw in aad jirka intiisa kale ku mashquusho daqiiqado kadibna ku laabo galmadii (take a break).

Marka aad dareento in biyaha ay kaa soo dhawyihiin jooji in aad xubinta taranka aad dhaq dhaqaajiso oo u ku daa xabinta taranka in ay iskaga dhex jirto xubinta taranka dumarka, kadib na ku mashquul lamaanahaaga intiisa kale, markii ay biyaha dib u laabtaan kadib bilaaw dhaqdhaqaajinta xubinta.

Isticmaal condom ama salbatiibo nooca adag ah, arintaani waxay caawineysa in uu aad u yaraado dareenka xoogan ee soo gaari lahaa maqaarka sare ee xubinta taranka taas oo ayadana yareen karta in ay biyaha soo deg-degaan.

Biyo baxa deg-dega ah
Hadaba, hadii ay farsamooyinkaas guul dareystaan waxaad u baahantahay daawooyin in aad qaadato, fadlan ka daawo muuqaalka sare daawooyinka lagula tacaalo xaaladan biyo baxa deg-dega ah.

Nagu soo biir https://t.me/nurseingpratical

Buerger's disease Sidoo kale waxaa loo yaqaan { thromboangiitis obliterans} wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga qaado ee j...
12/03/2023

Buerger's disease Sidoo kale waxaa loo yaqaan { thromboangiitis obliterans} wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga qaado ee jirka,

Badanaa waxaa uu caan ku yahay in lagu arko gacmaha iyo lugaha, xididdada dhiigga qaado wey soo bararayaan taaso ka hortagi karto isku socod dhiigga jirka.

Waxaana sababo dhiigga xinjirowo oo meesha ku sameysmo, taaso keeni karto xanuun iyo inay unugyada iyo nudayaasha dhib soo gaaro, xitaa waxeey keeni kartaa xubinta inay dhimato { gangrene}.

Dr. Aadan Abdi Ali

Address

Dhar
Mogadishu

Telephone

+252618164025

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Aadan Abdi Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share