09/06/2026
FADEEXAD: Wiilka Madaxweynuhu Sodoga u yahah (Wiilka qaba gabadha Madaxweynaha) oo hagartiisa lagu reebay Garsoore Cumar Cartan.
Dhabar-jab weyn ayaa ku habsaday sumadda isboortiga dalkeenna, kadib markii dalka Maraykanka laga soo celiyey Garsooraha Caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, isagoo u safrayay casuumad uu ka helay Koobka Adduunka (World Cup). Cartan ayaa loo diiday inuu dalkas galo sababo la xiriira Waqtigii loogu talagalay oo uu ka soo dib dhacay, Baasaboorka Soomaaliga ah ee uu watay iyo daryeel la'aan diblomaasiyadeed.
Yaa ku eedaysan fadeexaddaan?
Mas'uuliyadda iyo eedda ku saabsan dhacdadan bahdilaadda ah waxaa si buuxda u qaadaysa Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.
Wasaaradda waxaa hadda haysta wiil uu soddog u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh (wuxuu qabaa gabadha Madaxweynaha), kaas oo booska lagu geeyey oo qura xiriirka qoysnimo, balse aan wax khibrad ama aqoon ah u lahayn isboortiga iyo baahida dhalinyarada.
Musuqmaasuq iyo Tuugnimo: Halkii wasaaraddu ay qaban lahayd shaqadii qaranka oo ay difaac iyo taageero diblomaasiyadeed u fidin lahayd reer isboorti ee dalka magaca u soo hooyey, xafiisyadeedii waxaa hareeyay c,fadhui ku dirir dano shakhsi ah, iyo mas'uuliyad-darro baahsan.
Waa ayaan-darro in dhalinyaradii dalka matali lahayd loo dafiro xuquuqdooda sababo la xiriira maamul-xumo iyo eex qoys! Waana sababta loogu baahan yahay in dalka laga qabto doorasho degdeg ah si loo badbaadiyo inta hartay.